Akhriso war murtiyeedka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo go’aano culus soo saaray

26 Nov 2020 (Puntlandes) Midowga Musharaxiinta Madaxweynayaasha Soomaaliya ayaa goor dhow war murtiyeed ka kooban 18 qodob, kaddib shir u socday lix maalmood oo ay ku yeesheen Muqdisho.

War murtiyeedka ka soo baxay Musharaxiinta ayaa lagu dalbaday in lakala diro Guddiyada doorashada, maadaama ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan qalabka sida.

Sidoo kale war murtiyeedka Musharaxiinta ayaa lagu baaqay in doorashada xubnaha Xildhibaannada Gobolada Waqooyi lagu qabto Teendhada Afisyooni ee garoonka diyaaradaha, ayna goobjoog ka ahaadaan Musharaxiinta, Beesha Caalamka iyo Ciidamada Amniga.

Waxaa kaloo Musharaxiinta ay dalbadeen in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu soo magacaabo Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin inuu xilka banneeyo, maadaama uu yahay Madaxa Ololaha dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta ayaa ka digay in dowladda Federaalka ay qaado tallaabo lagu taaba gelinayo doorasho aan heshiis lagu aheyn, waxaana ay caddeeyeen inay ka shaqeyn doonaan hannaan doorasho dalka lagu badbaadinayo, si aanu u dhicin firaaq awoodeed iyo mid Dastuuri.


Puntlandes.com

About The Author