Sawirro: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyada 2021

25 Nov 2020 (Puntlandes) Golaha Wakiillada Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibril ayaa waxa ay maanta ansixiyeen Miisaaniyadda sanadka 2021.

Fadhiga maanta oo soo xaadireen 54 Mudane, ayey dood adag ka yeesheen Miisaaniyadda Dawladda Puntland, ka dib soo gudbinta warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka sida uu qabo qodobka 64-aad, iyo 135-aad ee Dastuurka DPL, iyo qodobka 58-aad, 62.6-aad iyo 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.

Dooda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay $ 341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).
Dood ka dib, Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021.


Puntlndes.com

About The Author