Ciidanka dowladda Federaalka oo weeraray Maleeshiyo uu abaabulay Jeneraal ka soo horjeeda Hirshabeelle

28 Nov 2020 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga, Boolis iyo ciidanka Nabadsugida ay weerar ku qaadeen maleeshiyo beeleed uu abaabulay Jeneraal lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsale (Jen. Xuud) kaasoo si weyn uga soo horjeesday doorashadii Hoggaanka Maamulka Hirshabelle ee dhowaan ka dhacday Jowhar.

Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne, gaar ahaan dhanka Wadada Ceelgaal ayaa la sheegay in maleeshiyadii uu ka amar qaadatay Jen. Xuud ay dib uga gurteen goob fariisin u aheyd oo aad ugu dhoweyd garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada weerarka ku qaaday maleeshiyada Jeneraalka ay amar u qabaan in la soo xiro, isla markaana dadaalo maalmahan socday oo ay wadaan odayaal uu diiday Jeneraal Xuud.

Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Maamulka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa ku sugan magaalada Beledweyne, isagoo muddo todobaad ah wada hadalo la lahaa saraakiisha deegaanka, odayaasha iyo maamulka, si loo xaliyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashadii ka dhacday Jowhar.

Dhinaca kale banaan bax looga soo horjeedo weerarka ciidanka dowladda ku qaadeen Jeneraal Xuud ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne, dadweyne taageersan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, waxaana la sheegay in taayaro lagu gubay.

Puntlandes.com

About The Author