Sawirro: Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xilka la wareegay

28 Nov 2020 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Sabti ah, si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasiirkii hore, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, kadib xaflad lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, danjireyeyaal iyo diblomaasiyiin.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble fursadda ay u siiyeen inuu hoggaamiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo carabaabay rajada uu ka qabo inuu guulo waa weyn ka gaaro geedi socodkiisa uu ugu adeegayo si daacadnimo oo nafhurnimo leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.


Puntlandes.com

About The Author