Sawirro-muuqaal: Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu soo laabtey Kismayo kana hadlay doorashada dalka iyo xaalada gobolka Gedo

28 Nov 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland, kadib safar shaqo oo uu todobaayadii ugu danbeeyey ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadley aqalka Madaxtooyada ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey Dhalinyaradii xaley ay argagixisadu ku laayeen magaalada Muqdisho iyo AHU Marxuum Cabduullaahi Shigshigow oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland kaas oo ay maalmo ka hor argagixisadu ku dileen magaalada Kismaayo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku dheeraaday qabsoomida doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo, isagoo caddeeyey inuusan doosho qaban karin inta gobolka Gedo uu gacanta ugu jiro malayshiyaad ay soo abaabushay Villa Somalia.



Puntlandes.com

 

About The Author