Ururada bulshada rayidka oo walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee dalka

30 Nov 2020 (Puntlandes) Ururada Bulshada Rayidka ayaa waxay walaac ka muujiyeen hadalada ka soo yeerayo siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda, kuwaasoo walwal iyo qalqal ku abuurayo shacabka Soomaaliyeed.

War saxaafadeed Ururada Bulshada rayidka soo saareen ayaa waxay ugu baaqeen Musharaxiinta iyo dowladda inay tixgeliyaan xaalada dalka uu ku jiro, isla markaana ay ka digayaan hadalada dhalin kara dhiilo colaadeed bulshadana sii kala qeybiya, dalkana u horseeda degenaansho la’aan.

Waxaa ay ugu baaqeen dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah in aysan doorashada gelin dib u dhac, waqtigeedana lagu qabto.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa loogu baaqay in ololahooda doorashada ay u wajahaan si mas’uuliyad ku dhisan, si looga waantoobo wax kasta keeni kara degenaansho la’aan.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka


Puntlandes.com

About The Author