War Saxaafadeed: Kenya oo sheegtay in aanay warqad rasmi ah ka helin DFS

30 Nov 2020 (Puntlandes) Dowladda Kenya ayaa shaacisay in aanay ka helin warqad rasmi ah oo ku saabsan codsiga dowladda Soomaaliya u dirtay in Safiirka Kenya Lucas Tumbo inuu ka tago Muqdisho, una yeeratay Safiirkeedii Nairobi u joogay Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

War saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay go’aanka dowladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay ixtiraameyso madax bannaanida dhuleed, midnimo iyo madax banaanida siyaasadeed ee wadamada oo dhan.

Kenya ayaa sheegtay inay sii wadeyso taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed ee la xiriira xasilloonida iyo nabadgelyada.

Puntlandes.com

About The Author