Sawirro-muuqaalo: Madaxweyne Deni oo kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Dowladda Puntland

30 Nov 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Dowladda gaar ahaan Wasaaradaha Amniga, Shaqada Shaqaalaha, Qorsheynta , Ganacsiga, Tamarta iyo Macdanta, Hanti-dhowrka guud iyo xarunta xiriirka qurbajoogta Puntland.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalay shaqada ka socota xafiisyada kala duwan ee xarumahaasi, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta xarumaha uu kormeeray.
Kormeerka Madaxweynaha ee xarumaha Hay’addaha Dowladda, ayaa qeyb ka ah qorshaha tayeynta hay’addaha dowladda si loo hubiyo in adeegyada dowladda lawada gaarsiiyo dadweynaha.



Puntlandes.com

About The Author