Sawirro: Madaxweyne Deni oo qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka iyo wafdi ay hoggaaminayso

01 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Madaxweynaha iyo Wafdiga ka socda DFS ayaa ka wada hadlay marxaladda doorashada gaar ahaan doorka haweenka, iyo Haweenku sidii ay kooto ku filan uga heli lahaayeen Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Dowladda Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowladda Puntland Marwo Sahro-kiin Cabdi Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka ee DFS Mudane Deeq Suleymaan iyo AF-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani.


Puntlandes.com

About The Author