Sawirro: Guddiga Arrimaha Dhaqaalaha Sarifka iyo Dhaqdhaaqa Suuqyada Puntland oo shir ka yeeshay arimaha dhaqaalaha wadanka iyo dhaqdhaqaaqa suuqayadda

10 Dec 2020 (Puntlandes) Guddiga Arrimaha Dhaqaalaha Sarifka iyo Dhaqdhaaqa Suuqyada Puntland oo manta shir ku yeeshay Wasaaradda Maaliyadda kuwaas oo uga arinsanayay arimaha dhaqaalaha wadanka iyo dhaqdhaqaaqa suuqayadda.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan)oo Warbaahinta la Wadaagay go’aamo iyo amaro ay soo gudbiyeen Guddiga La-Tacaalida sicir-bararka ee Xukuumadda Puntland ayaa ahaa sidan :

1. Bangiga dowladda iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay ee ka howlgala Puntland Dawlada Iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay , waxaa laga furayaa furuuc lagu kala sariftp lacagaha.
2. Wasaaradaha,Hay’ada Dawladda,Dowladda hoose Iyo shirkadaha bixiya Adeegyadda guud sida Biyaha,Korontada iyo wixii la mid ah waxaa lagu wargelinayaa in ay si toosa u dhaqan geliyan Isticmaalka Lacagta Shilling Soomaliga ee lagu Isticmaalo deegaanada Puntland. Mana jiri doono muwaadin Puntland oo lagu khasbi doono in uu bixiyo Doolar.
3. Shirkadaha bixiya Adeegga lacagta ee danabaysan iyo Applications-kooda ,waxaa lagu wargelinayaa in ay farac lacageed xadidan oo Shilling Somali ah ku daraan Adeegyadoodii hore ee doollarla keliya loogu Isticmaali jiray.
4. Waxaa la mamnuucay In wax Shilling Soomaali ah deegaanada Puntland lagu soo geliyo meelo ka baxsan xuduudahaeeda ay maamusho wakhtigan. Sidoo Kale waxaa la hakiyey Qul-qulka lacagta Shilling Soomaaliga ah Inta laga xalinayo khalkhalka ka dhashay lacagta sarifkeeda.
Cid kasta oo lagu helo in ay jebisay amarkan waxay mudan doontaa ciqaab waafaqsan sharciga.
5. Bangiga Dawladda Puntland, wuxuu si rasmi ah u diiwaangelin doona lacagta Shilling Soomaaliga ag ee deegaanada Puntland lagu isticmaalo iyo wixii tiradeeda ah si loogu go’aan qaato baaxada baaxada sarifka lacagta qalaad ee suuqyada Puntland looga baahan yahay.
6. Bangiga Dowladda Puntland , wuxuu Xeer iyo Habraac uu sameynayaa Sarifka iyo Sariflayaasha Ka hawlgala deegaanada Puntland.
7. Cid Kasta oo is hor taagta Isticmaalka lacagta Shilling Soomaliga , waxay gashat danbi Qaran , waxayna muteysanaysaa ciqaab waafaqsan sharciga.
8. Guddigu waxay furayqan xarumo cabasho , waxay sidoo kale dadweynaha farayaan in ay ku wargeliyaam xarumaha Booliska ee ugu dhow.
Baahintii.


Puntlandes.com

About The Author