Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland oo go’aan rasmiya ka soo saartay 8dii xildhibaan ee xasaanadda Baarlamaanku ka qaaday

13 Dec 2020 (Puntlandes) Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland, ayaa Galabta go’aan rasmiya ka soo saartay, kiiska 8 xubnood ka tirsanaa Baarlamanka, kuwaas oo xasaanadda laga qaaday 3-dii bishan December.


Warqad ka soo baxday Maxkamadda sare, ayaa lagu caddeeyay in ay sharci tahay xilka xayuubintii lagu sameeyay 8-da xildhibaan ee kala ah; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Muuse Siciid Xassan (jejebsay), Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.

Maxkamaddu waxay amar ku bixisay, in aysan Baarlamanka dib dambe ugu laaban Karin Xubnaha kor ku xusan, islamarkaana si deg deg ah loo diyaariyo beddelkooda, maadaama dhammaantood ay ku caddaatay eedaynta loo jeediyay , sida warqadda ku cad.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay amar ku bixisay in xubnaha xilka xayuubinta lagu sameeyay ay magdhow ka bixiyaan Qalab kala duwan oo ay waxyeello gaarsiiyeen, waxaana Go’aankan ku saxiixan dhammaan shanta xubnood ee ay ka koobantahay Maxkamadda sare.

Puntlandes.com

About The Author