Dowladda Soomaaliya oo xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya

15 Dec 2020 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dowladda Kenya, iyadoo ku amartay diblomaasiyiinta Kenyanka ah ee ku sugan Muqdisho inay muddo 7 cisho gudahood uga baxaan Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo ka hadlayay warbaahinta dowladda ayaa ku dhawaaqay go’aanka dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ku sugan Kenya ay la baxeyso.

Waxaa uu sheegay in sababta go’aanka ay u qaateen ay tahay, si looga jawaabo xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta qaawan ee ay Kenya ku heyso madax banaanida Soomaaliya.

Tallaabada ay qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dambeysay, kaddib markii maanta Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya uu xarunta Madaxtooyada Kenya ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

About The Author