Sawirro-muuqaal: Madaxweyne Qoorqoor oo Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey RW Rooble

14 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa gegidda diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa soo dhoweynta madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Galmudug Dr Maxmed Gacal, xubna katirsan Goleyaasha Dowladda Galmudug, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Caasimadda, agaasinka madaxtooyada DGM iyo laamaha kala duwan ee Bulshadda.

Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa la- xiriirta xoojinta wadashaqeynta dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Galmudug & dardargelinta arrimaha doorashooyinka, amniga iyo adeegyada bulshada.
Mudane Rooble ayaa inta uu kormeerka ku joogo Galmudug kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda DGM, bulshada Rayidka iyo hoggaanka dhaqanka.



Puntlandes.com

About The Author