Akhriso Midowga Musharaxiinta oo sheegay inay ku soo biirayaan bannaan baxyada

15 Dec 2020 (Puntlandes)  Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war saxaafadeed ka soo saaray bannaan baxii maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana ay si kulul u cambaareeyeen rasaastii ciidanka dowladda Federaalka ku fureen dibad baxayaasha.

Midowga Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu qaadanayo mas’uuliyadda, iyagoo sheegay in caburinta shacabka uu u adeegsaday Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee ay tababartay dowladda Turkiga.

War saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in rasaastii maanta ay Ciidamada fureen ku dhaawacantay afar ruux, halka labo ruux la xiray.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka inay sii wadaan dibad baxyada nabadeed, ayna Musharaxiinta ku soo biiri doonaan bannaan baxyada soo socda.

Hoos ka akhriso War saxaafadeedka

About The Author