Sawirro: Madaxweyne Deni oo Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Airport kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

29 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweyne Shariif ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee Machadka Heritage oo gelinka dambe ee maanta ka furmaya Garowe.
Shirka Madasha Aragti-Wadaagga oo lagu waday inuu furmo saaka subixii ayaa dib loogu dhigay imaanshaha Madaxweynihii hore Shariif oo maanta duhurkii soo gaaray Garowe.


Puntlandes.com

About The Author