Madaxweynaha oo Guddi u Magacaabay Aaska Qaran ee Loo Samaynaayo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Amniga Puntland

Garoowe, 30 December, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf ( Dowlad )


Guddigan oo ka kooban 5-xubnood ayaa kala ah.
1.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdullahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdisamed Maxamed Gallan (Xubin )
3. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin)
4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Ahna ku-simaha Wasiirka Cabdirashiid Cali Geelle (Xubin )
5. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)

=DHAMMAAD=

About The Author