Jaaliyadaha dawlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee dalka Australia oo gudoomiye doortay, gudoomiyaha cusub oo adag udiray Farmaajo

01 Jan 2021 (Puntlandes) Jaaliyadaha dawlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeele iyo gobolka Banaadir ee ka dhisan dalka Australia ayaa markii ugu horaysay gudoomiye ay ku midaysan yihiin doortay.

Jaaliyadaha dawlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeele iyo gobolka Banaadir ayaa waxay u doorteen gudoomiyihii u horeeyey  Mukhtaar Kilwe Aadan Seed oo ah gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland.

Gudoomiyaha cusub ayaa uga mahadceliyey kalsoonida la siiyey waxa uuna yiri ”Waan uga mahad-celinayaa walaaleheen Somaliyeed in ay noo garawsadeen in ay Puntland tahay Curadkii, hooyadii iyo aabihii Federalka isla markaasna labada sano ee soo socata la igu sharfay, mahadsanidin walaalayaal”

Puntlandes.com

About The Author