Daawo Mursal, Mahdi Guled & Xasan Sheekh oo kajawaabaya waxa dhacaya hadii heshiis la´aan lagaaro 8da feb 2021

01 Jan 2021 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Xasan Shir Cabdi ayaa Shirka Madasha Aragti-wadaaga oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Heritage kana socda Caasimadda Puntland ee Garowe waydiiyey su´aal gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan, Ra´iisul wasaare kugeen Mahdi Maxamed Guled iyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Su´aasha ayaa ahayd waxa dhacaya hadii heshiis la´aan iyo iyadoo aysan jirin xulis Baarlamaan oo socota la gaaro 8da febaayo 2021, markaas oo ay dhamaanayso muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Gudoomiye Mursal ayaa ku jawaabay waxba ma dhacayaan oo waxaa dalka madaxweyne kasii ahaanaya Farmaajo, sidoo kale Mahdi Guled ayaa waxa uu intaas ku daray in la filsho Roob inuu dalka oo dhan ka da´o uuna madxweyne sii ahaanayo Farmaajo inta la dooranayo madaxweyne bedela isaga.

Sidee buu ku imaanyaa madaxweyne bedela Farmaajo haddii uu diiday doorasho, soow ma ahan waligeey anaa joogi, hal marbaana la idoortaa?


Puntlandees.com

About The Author