Midowga musharaxiinta oo u jawaabay madaxwetne Qoorqoor kulan deg deg leh

09 Jan 2021 (Puntlandes)  Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor inuu ka been sheegay waanwaantii uu waday ee la xiriirtay arrimaha doorashada.

afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa yiri “Waxaan la yaabnay inuu yiraahdo jawaab ayaan ka weynay, muddo saddex cisho ah inuu tashi nagula soo laabto ayey aheyd, jawaab sax ah oo nooga timid Qoor Qoor ma jirto,”

Afhayeenka wuxuu sheegay ineysan suuragal aheyn boob lagu sameeyo doorashada, isla markaana ay tahay wax aan qurux badneyn in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadato go’aan aan loo dhameyn bilowdana doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Wali wax xal ah lagama gaarin arrimaha doorashooyinka dhan walba, guddiga lagu muransan yahay, arrimaha gobolka Gedo iyo xubnaha wakiilada Somaliland, balse dowladda waxey ku dhawaaqday maanta in doorashada ka bilaabayso Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, halkan ka dheeho.

Hadalka kasoo yeeray Midowga Musharaxiinta ayaa imaanaya kadib markii Qoorqoor uu shir jaraa’id ku shaaciyay inuu wax jawaab ah ka waayay madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taasna ay ku qasabtay inuu wax ka qaato go’aanka horay loogu wadayo doorashada.

Dhanka kale caawa waxaa shir deg deg isugu yimaanaya Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxeyna ka hadli doonaan go’aanka kasoo yeeray dowladda oo uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Puntlandes.com

About The Author