Daawo muuqaal: Xasan Sheekh “Madaxweyne Farmaajo banaanka hayimaado sidii rooxaantii oo kale yuusan dadka kasoo dhex hadlin”

09 Jan 2021 (Puntlandes) Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn uga hor yimid go’aankii Dowldda Federaalka maanta ku shaaciyeen in Doorasho la gelayo oo aan loo xayirnaan doonin inta ka maqan.

Shir jaraa’id oo ay qabteen Musharixiinta, kadib kulan muddo uga socday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayey ku shaaciyeen inuu dalku khatar geli karo, haddii ay madaxda dowladda Federaalka ku socdaan inay doorasho hal dhinac ah qabtaan.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ka mida Musharixiinta ayaa sheegay in dalku halis wajahayo, haddii Doorashada maanta lagu dhawaaqay lagu socdo, wuxuuna caddeeyay inaysan wax jawaab ah ka helin dowladda arrimihii loo balansanaa ee xalka loo raadinayey, kadib shirkii Garowe.

“Qaddiyada Doorshada ee maanta taagan waa hannaan u baahan kalsooni iyo wadar ogol, waxayna ku habooneyn in shir la isugu yimaado oo lagu soo bandhigo… Anagoo ka warsugeyna madaxdii ayay warka aad aragteen soo saareen… Waa yimaadeen war qaarkiis qadaf ah; Waalaga soconaa iwm.. Dalkan hadda ayuu kal a taagan yahay Somaliland ayaa naga maqan oo la raadineyay.. qaar kalena in sabab loo abuuro ay gooni su taagaan sax maaha” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaarna yiraahdo waa laga maarmaa, qaarna uu ciidan ku daabusho si xooog dadka loogu maquuniyo, aysan soconeynin. “Madaxda Meesha taagneyd ee Ra’iisal wasaaraha ugu weyn yahay wixii ay sheegeen dadkooda kuma metelaan.” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Masiirka Umadda Suuq madow ma noqon karo, Afar Nin oo is-jecelna ma wadi karaan.. hala dhigo xaajada.. Taladeenu waxay tahay xalka haloo noqdo shir ha la isugu yimaado.. Fagaare halooga wadahadlo” ayuu yiri Xasan Sheekh oo mas’uuliyadda dib u dhaca Doorashda dusha u saaray dowladda Farmaajo.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cambaareeyay ciidamada loo daabulayo Beledweyne iyo meelaha Doorashada, taasoo ujeedkeedu yahay in lagu boobo doorashada, ayna u qaadanayaan madaxa maamul Goboeedyada inay raali ka yihiin.


Puntlandes.com

About The Author