Ciidamada Amisom oo soo afjaray Weerarkii Hotel Maka Al Mukarama iyadoo ay Ciidama DF fooda gelinwaayeen Hotelka

Ciidamada DFS ayaa ku guuldaraystay iney ka saaraan Kooxda Al Shabaab ee soo weerartay Hotelka Maka Al-Mukarama .

Shalay galab saacadu markay ahayd 5:25 galabnimo  27-ka Maarso,ayaa koox hubeysan ay la wareegtay Hotel Maka Al mukarama. Ciidanka Dowlada ayaa isku wareejiyey Hotelka waxaana xiligaas hotelka gudihiisa lagu heystey ugu yaraan 80 Qof,waxaana Xalay oo idil qaraxyo iyo rasaas laga maqlayay magaalada Muqdisho..

Ugu dambaytii waxaa soo farogeliyey Ciidanka Amisom iyagoo soo gaaray goobta kuwasoo xoog ku galay Hotelka. Qayb kamid ah Hotelka ayaysan ciidanka Amisom galin qaybtaasoo Dad rayid ah lagu heystay, Saaka ayaana si buuxda loosoo afmeeray hawlgalka hotelka.

Dadku lagu laayey Hotelka ayaa  Waxaa kamid ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Xafiiska Qaramada Midoobey ee Switzerland AUN Yuusuf Ismaaciil Bari bari iyo Gabar Ka timid Maraykanka oo u shaqayneysay Bangiga dhexe ee Muqdisho.

Puntlandes.com

About The Author