Daawo Video: Erdogan ”Iraan iyo argagixisadu waa inay ka baxaan Yemen”

Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyip Erdogan ayaa mar uu ka hadlayey arinta Yemen wuxuu sheegay in dalkiisu uu taageersan yahay Weerarka uu Sacuudigu ku qaadat Xuutiyiinta Yemen la wareegtay.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in hawlgalada socda ee Sacuudigu hormuudka ka yahay inuu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Yemen uu Turkiguna garab taagan yahay taageero siyaasadeed. Madaxweyne Erdogan wuxuu sidoo kale sheegay in dhanka loojistikada ay ka caawin doonaan hadii loo baahdo.

Erdogan wuxuu intaa ku daray in arintu ay isu badalayso dagaal u dhaxeeya Shiicada iyo Suniiyiinta waana arin laga fiicanyahay oo aan haboonayn inay sidan noqoto.

Ugu dambayntii wuxuu Erdogan dawlada Iraan iyo kooxo kale oo uu ugu yeedhay argagixiso ugu baaqay inay ka baxaan dalka Yemen ,loona dhaafo dadka reer Yemen si arimahooda umaamushaan.

Daawo hadalka madaxweyne Erdogan

Puntlandes.com

About The Author