Daawo Video: Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay doorashada dalka Soomaaliya

11 Jan 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya iyo musharraxiinta mucaaradka in aysan soo faragelin arrimaha siyaasadda ee Somaliland.

“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi wuxuu sidoo kale sheegay in dadka adeegsanayo magaca Somaliland ee xilka xildhibaanimo ka raadsado Soomaaliya aanay iyagu matalin.

“Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan iyo nac uun baad sii abuuraysaan,”

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa lagu wadaa in lagu doorto xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ee ka soo jeeda Somaliland iyadoo weli uu khilaaf ka taagan yahay guddiga doorasho.


Puntlandes.com

About The Author