Madaxweyne Farmaajo oo ku cadaadinaya Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle & KG inay bilaabaan doorashada Aqalka Sare

11 Jan 2021 (Puntlandes) Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku cadaadinaya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo  Koonfur Galbeed iyagoona ku sugan magaalada Muqdisho inay dib ugu laabtaan xarumahooda ayna si dhaqso ah ku bilaabaan doorashada Aqalka Sare.

Madaxweyne Farmaajo saddexdan madaxweyne oo kulan uu la qaatay,  waxaana goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare Rooble, ayuu si toos ah uu ugu sheegay inay deg deg u bilaabaan doorashada Aqalka Sare kahor.

Dad badan ayaa aaminsan in Saddexda madaxweyne ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koofurgalbeed inuu si toos ah uu ugu lug lahaa Madaxweyne Farmaajo sidii loo dooran lahaa iyadoo haddana ay tahay mid laga sugayo inay abaalkaas u gudaan Madaxweynaha.

Hase yeeshee lama oga in Madaxweynayaashan ay ku dhaqaaqi doonaan sidii loo bilaabi lahaa doorashada Aqalka Sare iyadoo aysan ka dhacayn doorashada Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan qaar kamid ah guddiga doorashooyinka waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen in magaalada Baydhabo ay noqon karto magaalada ugu horeysa ee lagu qabto doorashada Aqalka Sare.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo weliba Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka digey in la qabto doorasho hal dhinac ah oo aan la isku raacsanayn,horena beesha caalamka ee dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in la qabto doorasho loo wada dhan yahay.

Puntlandes.com

About The Author