Daawo sawirro-muuqaal: Dekada Garacad oo lagu bilaabay dhisigta shubka hirka jabiya bada gudaheeda

12 Jan 2021 (Puntlandes) Dhismihii Dekadda Garacad ayaa waxaa uu gaaray in maanta lagu bilaabo dhisigta shubka hirka jabiya badda gudaheeda, kaas oo horay loogu diyaariyey beriga.

Sida ay sheegeen khubarada dhisaysa dekedda wuxuu soconayaa dhigista shubku mudo, iyadoo iminka la buuxiyey badda gudaheeda dherer dhan 650m, taas oo ah halkii laga laabi lahaa dhismaha Dekedda.

Markii la dhigo shubkaan ayaa waxaa la bilaabayaa dhisida ama dhigista shubka jambiga ay doonyaha iyo Maraakiibta xambaara 10.000ton ku so xirtaan, taas oo laga dhisayo 390m ilaa 490m oo hal hore lasoo dhisay.



Puntlandes.com

About The Author