Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan oo gaaray magaalada Baydhabo

14 Jan 2021 (Puntlandes) Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah maamul goboleedka Koofurgalbeed.

James Swan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kulan albaabada u xiran yihiin uu la qaadanayaa Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Safarka James Swan ee Baydhabo ayaa ku soo aaday, iyadoo is mari waa xooggan uu ka jiro hirgelinta hannaanka doorashada, waxaana uu safaro ku tagi doonaa xarumaha Dowlad Goboleedyada, si xal loogu helo is mari waaga taagan.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan guddiga doorashada iyadoo warar soo baxayay ay sheegayeen in Maamulka Koofurgalbeed uu doonayo inuu qabto doorashada Senatarada Aqalka Sare.

About The Author