Shirka Golaha Wasiirada oo maanta baaqday

14 Jan 2021 (Puntlandes) Shirka Golaha Wasiirada Dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu waday in maanta uu qabsoomo ayaa baaqday iyadoo aan si rasmi ah loo sheegin sababta baaqashada.

Wasiirada ka qeybgali lahaa kulanka ayaa loo diray farriimo, laguna war galiyay in shirkii maanta dib loo dhigay, iyadoo aan la sheegin sababaha dib loogy dhigay shirka oo maanta looga hadli lahaa qodobbo dhowr ah.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa lagu waday in maanta lagu ansixiyo 15 safiir oo cusub, kuwaasi oo dowladda Soomaaliya u diri doonto waddamada Caalamka ee Dowladdu ku leedahay Safaaradaha.

About The Author