Sawirro-muuqaal: Xisbiyada Somaliland oo soo dhaweeyey maalinka guddigu u cayimeen qabsoomidda Doorashooyinka, Guurtidana farriin u diray

17 Jan 2021 (Puntlandes) Xisbiyada Somaliland ayaa soo dhaweeyey maalinta ay xubnaha guddiga doorashooyinku u cayimeen inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka taasoo ah 31/05/2021.

Sidoo kale xisbiyada ayaa waxana ay farriin u direen golaha guurtida oo iyagu iska leh awoodda ugu dambaysa ee cayimaadda doorashada, maadaama ay horay u kordhiyeen golaha Wakiilada waqtiga ilaa bisha november sanadkaan.

Kaddib kulan wada-jir ah oo ay la qaateen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey hoggaanka sare ee saddexda xisbi shaaca ka qaadeen inay si buuxda u taageersan yihiin muddada ay xubnaha guddiga doorashooyinku soo jeediyeen in dalka laga qabto doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka.

 



Puntlandes.com

About The Author