Daawo muuqaal: Cali Mahdi oo ka digay haddii la gaaro 8da February doorasho heshiis lagu yahay la´aan

17 Jan 2021 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka.

Cali Mahdi ayaa marka hore ka digay in dalka dib loogu celiyo bur-bur iyo dagaallo sokeeye, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in la sameeyo tanaasul.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray, haddii aysan dowladda federaalka qaban doorasho loo dhan yahay, ka hor sideeda February inay dhaceyso wax uu ku sheegay dhibaato.

“Maxaa jira dadka, haddii ay wada simaan balaayo ayaa dhaceysa, waan rajeynayaa illaa heerkaas in aan la’isla gaarin,” ayuu yiri madaxweyne hore Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waan rajeynaa inuu madaxweynaha dib u fakiro oo caqligiisa dib u fiiriyo oo la-taliyeyaal fiican suubsado inay meeshaas arrintu gaarin oo xaliyo, waxa la’isku qabanaayo waa wax saacad ama laba saac ku dhammaan karo,”.

Dhinaca kale Cali Mahdi oo ka hadlay qorshaha xukuumadda ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka 2021-ka, iyadoo ay maqan yihiin dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo ka biyo qaabka marooqsiga ah ee madaxweyne Farmaajo wax ku wado, ayaa waxa uu sheegay inay sababayso in dalku u kala go´oyo dawlad goboleed kastana ay dawlad noqonayso..

Cali Mahdi ayaa ka digay in dalka uu madaxweyne Farmaajo u horseedin inuu dib ugu noqdo meeshii laga yimid & in lagu kala tago.

“Haddii taasi dhacdo waxaan ka faa’iideynaa qaran Soomaali oo dambo iyo magac Soomaali oo dambo maalintaas ayaa ugu ekaaneyso nin walba wuxuu ku noqonayaa tuuladii uu ka yimid qabiilkiisa uu Calan u saaranayaa qaran Soomaaliyeedna cid dambe oo dhisi kareyso haba yaraatee ma jirto 1991-dii waxaan ka soo maray anaa og,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana uu khilaaf xoogan ka taagan yahay doorashada dalka ee 2021-ka.

Hoos ka daawo waraysiga Cali Mahdi oo dhamaystiran

Puntlandes.com

About The Author