Daawo Video: Sheekh Shariif oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kubaaqay in kahor 8 February laga heshiiyo Doorashada

18 Jan 2021 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladihi ugu dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka dalka isagoo ka digey in dib u dhac uu ku yimaad doorashada dalka.

Sheekh Shariif oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan ay aheyd in dalka ay ka socdaan howlaha doorashooyinka, hayeeshee aysan dhicin arrintaas, isagoo ku tilmaamay nasiib darro dhacday.

“Mararka qaar waxaa la is weydiiyaa haddii la gaaro 8-da febaraayo maxaa dhacaaya, rajadeynu waa in kahor ay dhacdo Doorashada dalka iyada laga heshiinayo waxyaabaha la isku heysto, isla markaana la xeerinayo dhaqankii wanaagsanaa oo ah xal siyaasi ah” Sidaasi waxaa yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada ammaan ee uu dalka ku jiro waxana uu tibaaxay in meel adeg uu marayo ammaanka dalka loona baahan yahay in wax laga qabto, maadaama uu sheegay in Al-shabaab ay culeys ku hayaan amniga dalka, arrintaasna uu xusay in ay saameyn ku yeelaneyso shacabka.


Puntlandes.com

About The Author