Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo soo saartay go’aan lagu xakamaynaayo lacagaha laysaga safriyo Gobolada Puntland

21 Jan 2021 (Puntlandes) Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa soo saartay go’aan lagu xakamaynaayo lacagaha laysaga safriyo Gobolada kala duwan ee Puntland.


Wasiirku xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdi ibraahi Warsame Qawdhan warqad qoraal ah oo ka soo baxaday Xafiiskiisa dakhliga ayaa amar lagu siiyay baraha kantarool ee Puntland.
1- in uusan u kagala gudbi Karin gobolada gaadiid wada lacag shilin Soomali.
2- in la hubiyo dhamaan gaadiidka.
3- Gaarigii lagu qabto Shilin Soomali lageeyo saldhiga ugu dhow

Qoraalkan ka soo baxay Xafiiska Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa qayb ka ah talooyinkii gudigii dhowaan loo saaray katala bixinta saraifka lacaga.

Puntlandes.com

About The Author