sawirro: Madaxweyne Deni oo hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya

21 Jan 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida kala aragti duwanaanta ka jirta Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo, taas oo u dhaxaysa madaxweyne farmaajo iyo Puntland, Jubaland iyo musharixiinta madaxweynaha oo isku dhan ah.

Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa horay kulankaan oo kale ula yeeshay maxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan  iyagoo ka wada hadlay doorashada.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamku waxay kulankaan oo kale la qaateen musharixiinta madaxweynaha, iyagoo doonaya inay isku soo jiidaan kadib markii laga waayey hogaamin madaxweyne Farmaajo.


Puntlaqndes.com

About The Author