Sawirro: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo booqday goobta Gaalkacyo lagula eegtay qaraxa kolonyo kamidah Ciidamada iyo Cisbitaalka ay ku jiraan dhaawicii, faahfaahin

23 Jan 2021 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo uu wehlinayo Gudoomiyeh ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore ayaa gaaray goobta lagula eegtay qaraxa kolonyo kamidah Ciidamada qaybta Booliska Gobolka Mudug, intaasi kadib Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa isbitaalka GMC ee Magaalada Gaalkacyo ku Booqday askartii ku dhaawacantay qaraxaasi.

Gudoomiyaha ayaa warbixin ku saabsan xaalada Caafimaad ee dhaawaca ka dhagaystay dhakhaatirta isbitalka Gmc, ugu danbayntiinah Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo warbaahinta kula hadlay gudaha isbtitalka ayaa ka tacsiyeey laba qof oo ku geeriyootay falkii waxuushnimo ee xalay dhacay, isagoonah ilaahay u waydiiyey inuu naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalenah Caafimaad taamah siiyo dadkii ku dhaawacmay.

Dhanka kale Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug Korneyl Muumin Cabdi Shire ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Taliye Muumin oo warbaahinta kula hadlay Gaalkayo ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen 2 qof oo mid yahay shacab, hal kan kelana askari yahay, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 8 qof oo isugu jira askar iyo shacab, kuwaas oo hadda lagu daawaynayo Isbitaalka Gaalakcyo.

Wuxuu tilmaamay in qaraxa lala egtay gaari ciidan oo roondo waday, isla markaan uu ahaa mid weyn oo laga hagayay meel fog, wuxuuna intaas ku daray in wadaan baaritaan iyo howgal la xiriira weerarkaas.

Sidoo kale Taliya qeybta booliska gobolka Mudug wuxuu sheegay in ay shalay gelinkii dambe qabteen qaraxyo diyaarsan iyo kuwo la diyaarinayay.


Puntlandes.com

About The Author