Dilal loo adeegsaday Bistoolado ka dhacay saaka magaalada Muqdisho

23 Jan 2021 (Puntlandes) Saddex ruux oo labo ka mid ah ay yihin odayaal ayaa saaka lagu diley magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Labo oday ayaa kooxo ku hubeysnaa Bustoolado waxay ku dileen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana labada oday ee la dilay lagu kala Magacaabi jiray Axmed Muxumud Aadan iyo Axmed Sheekh Cabdullaahi Fiqi Cumar.

Dadkii ka dambeeyay dilka labada oday ayaa ka baxsaday goobtii mana jirto ilaa iminka cid sheegatay inay ka dambeysay dilkaas.

Sidoo kale askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada Hoose ee minishiibiyada ayaa lagu dilay degmada Wadajir, gaar ahaan isgoyska Korontada.

Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa dilay askarigaas oo lacago canshuurta ah ka uruurinayey gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano ee isticmaala wadadaas.

Dilalka qorsheysan oo ay geystaan Kooxaha ku hubeysan bustooladaha iyo miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa noqday kuwo si joogta ah uga dhaca magaalada Muqdisho.

Puntlandes.com

About The Author