Sawirro: Madaxweyne Deni oo Qasriga Madaxtooyada Garowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland

24 Jan 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulanka uu la qaatay qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacawday Dowladda Puntland Mr Degnachew Yitbarek waxaa qayb ka ahaa saraakiil ka tirsan xafiiska qunsuliyada Itoobiya ee Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek ayaa bedelaya Qunsulkii hore Gen Mabratu Waldo Aragay.


Puntlandes.com

About The Author