Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo gaaray Dhuusamareeb

24 Jan 2021 (Puntlandes) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

James Swan iyo wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo xubno kale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulan ayaa labada dhinac waxaa uga socda madaxtooyada iyadoo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada dhacaya 2021 oo weli muranka uu ka taagan yahay iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka jira, iyadoo ay Beesha Caalamka dadaal ugu jirto in xal laga gaaro is mari waaga doorashada cadaadis xoogana ku saareyso dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay James Swan iyo wafdiga la socdaa ay gaaraan  caasimadda dawladda Puntland ee Garowe halkaas oo ay kulan kula yeelan doonaan madaxweyne Deni.

Puntlandes.com

About The Author