Dowlada Kenya oo walaac ka muujisay dagaalka Beled Xaawo

25 Jan 2021 (Puntlandes) Dowlada Kenya ayaa ka hadashay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada ku taal xadka Soomaaliya iyo Kenya ee Beled Xaawo.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya oo loo direy guddoomiyaha Midowga Afrika ayay ku muujisay dowlada Kenya sida ay uga walaacsan tahay dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

“Walaaca ugu weyn ee Kenya ay qabto ayaa ah in dagaalka inuu sababo dad badan ku barakacaan gudaha Soomaaliya iyo inay qaxooti horleh ay ku soo biiraan xeryaha Qaxootiga ee gudaha Kenya.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Kenya ayaa ku tilmaantay in dagaalku uu u dhexeeyo ciidamada dowlada federalka iyo ciidamada maamul goboleedka Jubbaland.

“Dagaalka waxa uu u muuqdaa inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.”

Hase yeeshee dowlada Kenya ayaan qoraalkeeda ugaga hadlin eedeynta ay dowlada federalka u soo jeedisay oo ah inay garab siineysay ciidamada soo weeraray magaalada Beled Xaawo ayna ka soo duuleen gudaha dalka Kenya.

Wasiirka Warfaafinta dawladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho inay ciidanka dawladdu jebiyeen jabhad fallaaga ah ayna ku qabqabteen ilaa boqol ka mid ah.

Hoos ka akhriso qoraalka oo af Ingiriis ku qoran

Puntlandes.com

About The Author