Sawirro-muuqaal: Gaalkacyo oo laga mabnuucay in Hub lagu dhexwato & Laamaha Amniga oo qabtay walxaha qarxyada

25 Jan 2021 (Puntlandes) Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Puntland Mudane Cabdulaahi Cabdisalaan, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug Muumin Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug ayaa warbaahinta usoo bandhigay agabyadan walxaha qarxaa iyagoona sheegay in wali wadaan baaritaano la xiriirah qaraxyadan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ku dhawaaqay in maanta wixii ka dambeeya ay mabnuuc tahay in magaalada Gaalkacyo lagu dhex wato Hub noocuu doono ha ahaadee, sida bastood, Qori iwm.

Gudoomiyaha oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri “maanta laga bilaabo wax huba laguma dhex wadan karo Magaalada Gaalkacyo waxaan rabnaa dadwaynaha inaan usheego Ciidamadana amaraynaa cid kastoo hub la dhex martah Magaalada Gaalkacyo in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaado”

 



Puntlandes.com

About The Author