Daawo waraysi: Wasiir Dhabancad oo qaar ka mid ah odayaasha gobolka Mudug ku eedeeyey inay xiriir la ledeyihiin Alshabaab.

25 Jan 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa waraysi uu siiyey idaacadda Radio Daljir waxa uu ka warbixiyey waxqabadka mudadii labada sano ahayd ee ay xilka haysay xukuumadda madaxweyne Siciid cabdullaahi Deni.


Wasiirka ayaa si gooni ah u dul is-taagay shaqada ay xukuumaddu ka qabatay gobolka Mudug haday noqon lahayd horumar, Amni iyo xoojinta dawladnimada.

Wasiirka oo suaal laga waydiiyey qaar ka mid ah odoyaasha magaalada Gaalkacyo oo dhawaan eedayn culus u jeediyey dawladda ayaa sheegay inay qaar kamid ah odayaashaas xiriir la leeyihiin kooxda Alshabaab.

Puntlandes.com

About The Author