DFS oo War saxaafadeed ay soo saartay eedayn culus u jeedisay dawladda Kenya

War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)

Muqdisho, Soomaaliya
January 25, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay weerar qaawan kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana halkaas ku beenoobay gardarradii iyuo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya. Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada.

“dib baan idinkala soo socodsiin doonaa wixii soo kordha”

Puntlandes.com

About The Author