Fadeexada Garowe: Madaxweyne Gaas oo La Qaxweeyay Siyaasiyiin, Hadana Ku sheegey inuu la Qaxweeyay Shacab. Yaabka Dunida.

Xukuumada Xaflad Joog oo looga bartay warar xaqiiqada ka fog Iyo Xaflado isdajoog ah, ayaa Maanta soo bandhigtey Beentii u dambeysay Iyo Ruwaayada Cusub Ee uu Jilayo Madaxweyne Gaas Iyo Kooxdiisa.

Waxaa wax lagu Qoslo ah in la jilo Socdaalkii Amb Nicolas Key oo kale. Madaxweynaha Puntland Abdiwali Ali Gaas, ayaa maanta la Qaxweeyay Rag Isugu jira kuwa uu hada Xilal u magacaabayo iyo Kooxda Madaxtooyada.

1899

Hadaba sida Sawirka ka muuqata waxaa la Qaxweynaya Dr Gaas Cabdisalaan Xuseen Ducaale Agaasimaha Protocalka Madaxtooyada, Kornayl Jimcaale Taliyaha Jiida Tukaraq, Kornayl Cumar Abdullahi Farole oo uu Gaas u magacaabay Taliyaha Ciidanka Gobolka Bari, Oo uu horey uuga qaaday Taliyaha Madaxtooyada, Iyo Agaasimahada Saxaafada Madaxtooyada Abdirishiid Dhaanto.

Hadaba Waa wax lagu Qoslo Ruwaayada cusub ee uu jilayo Madaxweynaha Puntland, hadii uu doonayo inuu la kulmo Shacabka muxuu u aadi waayay Goobaha la isla yaqaan ee Shaaha laga Cabo??

Ma koox ka tirsan Xukuumadiisa Iyo Raga uu Xilalka u dhiibayo ayuu ka dhigayaa Nin la kulmay Shacabka Caadiga ah?? Waxaan Lee nahay Madaxweynaha Puntland, Waxaad booqataa Goobaha Shacabka hadii aad dooneysa sawiro aad la gasho Shacabka, Laakin haka dhigin inaad la kulantay Shacab adoo soo kaxeystay Kooxda aad horboodo.

Puntlandes.com

About The Author