Farmaajo oo Gobolka Banaadir Aqalka Sare ugu daray13 Kursi

28 Jan 2021 (Puntlandes)Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu sii dhamaanayo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaciyey inuu saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Waxa uu Farmaajo saxiixay ma ahan xeer ay soo meelmariyeen labada Aqal ee Baaralamaanka JFS ee waa qaraar uu cod haldheeri ah ku meelmariyey Golaha Shacabka, taas oo aah ahayn sharci. Aqalka Sare ayaa wuxuu ka kooban yahay 54 kursi waxaana xadidaya sharci ay tahay marka hore in la furo.

Farmaajo oo aan cagao badan ku taagnayn ayaa doonaya inuu abuuro khilaaf u dhexeeya Puntland iyo Jubaland oo dhinac ah iyo shacabka Muqdisho ku nool si uu u helo daruuf u saamaxda inuu sii joogo.

Puntlandes.com

About The Author