James Swan oo soo dhaweeyey magacaabidda Puntland iyo Jubaland ee guddiga doorasha

28 Jan 2021 (Puntlandes) Eragyga Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo maanta booqday magaalada Jowhay ee caasimada HirShabeelle ayaa waxa uu soo dhaweeyey magacaabistta ay Puntland iyo Jubaland magacaabeen xalay guddiga doorasha ee heer Federaal.

James Swan oo ka hadlayay maanta shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle isago iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlawe ayuu ku sheegay in uu soo dhoweynayo magacaabista guddigan.

“Waan soo dhoweynayaa magacaabista guddiga aan saaka maqalnay inay ku dhowaaqeen madaxda Jubbaland iyo PUntland.”ayuu yiri James Swan.

Hase yeeshee waxaa uu sheegay in mowqifkooda rasmiga ah ay wada tashi ka yeelan doonaan xubnaha beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay kulanka ay lagu baqaay in uu ka dhaco Muqdisho kaasoo u dhexeeya madaxda dowlada federalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Inkastoo uu James Swan soo dhoweeyay guddigan farsamo ayaa hase ahaatee dowlada federalka waxa ay ku tilmaantay inuu yahay mid baalmarsan wadadii rasmiga ahayd maadaama aan si rasmi ah loogu soo gudbin liiska guddigan.

About The Author