James Swan oo war khilaafsan warkii Villa Somalia kasoo saaray kulankii Beesha Caakamka iyo Farmaajo

30 Jan 2021 (Puntlandes) Villa Somalia ayaa waxay faafisay war qoraal ah oo ay ku sheegtay in madaxweyne Farmaajo Beesha Caalamka uga warbixiyey u diyaargaraoga doorasha aynu ku amaaneen diyaargarowga doorashada uu sameeyey iyo shaqada wacan ee dawladda Farmaajo hayso,, halkaan ka akhriso warkii Villa Somalia shaacisay.

Bogga Twitterka ay ku leedahay AMSOM na waxaa lagu shaaciyey in ay Beesha Caalamku Madaxweynaha kala hadleen taageerada soo jireenka ah ee ay Soomaaliya iyo dadkeeda la garab taagnaayeen iyo sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa ismariwaaga ka jira doorashada dalka la filayo inay ka dhacdo.

Warka Villa Somalia shaacisay iyo warka UNSOM aad ayey u kala fog yihiin, waxaana la ogsoon yahay inuu jiri ismari waa u dheexa madaxweyne Faraajo iyo  Puntland, Jubaland iyo musharixiinta madaxweynaha oo dhan ah.

Puntlandes.com

About The Author