Sawirro: Viila Somalia oo shaacisay in Farmaajo Wakiilada Beesha Caalamka uga warbixiyey u diyaargaowga doorasha

30 Jan 2021 (Puntlandes) Viila Somalia ayaa war qoraal ah oo soo saartay ku shaacisay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga warbixiyey Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho u diyaargaowga doorasha iyo sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu yiri “madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka”

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Farmaajo yiri “Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukumadda ee ku aaddan xaqiijinta qabsoomidda doorashada, isaga oo adkeeyey in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada. Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada,waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay”


Puntlandes.com

About The Author