Midowga Musharaxiinta oo war ka soo saaray Shirka Dhuusamareeb iyo kuraasta Aqalka Sare ee G/Banaadir

01 Feb 2021 (Puntlandes) Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa war saxaafadeed ka soo saaray shirka Dhuusamareeb iyo kuraasta Gobolka Banaadir, iyagoo uga digay Madaxweyne Farmaajo inuu shirka ka dhex abuuro khilaaf hor leh, si uu marmarsiiyo uga dhigto damaciisa muddo kororsiga ahaa, waxaana ay dalbadeen si shirka mira dhal u noqdo illaa lix qodob.

In gogosha shirka la ballaariyo oo laga qeyb geliyo wakiilo kala matalaya saamileyda tabashada ka qaba fulinta heshiiska ee kala ah Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo ugu horreeyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, Musharaxiinta iyo bulshada rayidka.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in shirka la siiyo waqti ku filan, si fursad loogu helo xalinta caqabadaha ku horgudban, waxaa kaloo Golaha Midowga Musharaxiinta uu sheegay in xaq dastuuri ay tahay in Gobolka Banaadit matalaad ku yeesho Aqalka Sare, balse Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadka yahay uu kuraasta aqalka sare ee Gobolka Banaadir ka dhigto uu u adeegsado olole doorasho iyo ciyaar siyaasadeed lagu kala irdheynayp bulshada Soomaaliyeed.


Puntlandes.com

About The Author