Ra’iisul Wasaare Rooble oo 9ka Febraayo hortagaya Baarlamaanka Federalka

01 Feb 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu hortegayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbad ayaa saxaafada u sheegay Ra’iisul Wasaaraha uu 9-ka bishaan Febraayo hortegayo Baarlamaanka, si uu Warbixin ugu jeediyo.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka uga warbixin doona waxqabadka Xukuumaddiisa ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Maalinta la sheegay inyy Rooble hortagayo Baarlamaanka ayaa ah maalin ka dib 8-da Febraayo ee 2021 oo ay ku eg muddo xileedka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili uu horey u dhammaaday muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad 27kii bishii December 2020.

Puntlandes.com

About The Author