Sawirro: Madaxweyne Lafta gareen oo kulan la qaatay Gudiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran oo Baydhabo Shir ugu furmay

15 Feb 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kulan la qaatay Gudiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran oo Maanta Magaalada Baydhabo soo gaaray, Shirkoodana ugu furmay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa kula dardaarmay, kuna dhiirageliyey xubnaha guddiga in shirkooda natiijo wanaagsan ka soo baxo.

Xubnaha Guddiga Farsamada ee ka socda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa u doortay Shir Guddoon Wasiirka Dastuurka Saalax Maxamed Jaamac.


Puntlandes.com

About The Author