Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo shirkii Xubnaha Guddiga Farsamada laga saaray

15 Feb 2021 (Puntlandes) Cabdi Cali Raage oo ah La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo oo gelinkii hore ee maanta ka soo muuqday Kulankii Guddiga Farsamada ee Baydhabo ka furmay ayaa caawa laga saaray shirkii Xubnaha Guddiga Farsamada ee u socda Dowadda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Farsamada ee ka socda dowlad Goboleedyada ayaa dood ka keenay in Cabdi Calo Raage shirka qeyb ka noqdo, isagoo aan markii hore qeyb ka aheyn liiskii uu shaaciyay Ra’iisul Wasaare Rooble ee xubnaha Guddiga Farsamada ee kala matalayay Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, ayna layaab ku noqotay inuu isku soo dhex tuuray soo dhoweyntii loo sameynayay iyo kulankii hordhaca ahaa ee saakay.

About The Author