Musharax Geelle.”“Dal aan dibadbax nabad ah ka dhici karin Doorasho xor ah kama dhici karto”

20 Feb 2021 (Puntlandes) Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaki galiyay in dalka Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho xor ah maadaama dowlada federalka ay diiday in la qabto banaanbax xor ah.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu sheegay in Farmaajo oo shalay diiday in banaanbax lagu qabto Taalada Daljirka Daahsoon uusan ogolaan doonin in doorasho lagula tartamo.

“Dal aan dibadbax nabad ah ka dhici karin Doorasho xor ah kama dhici karto” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale Musharax Geelle ayaa ka hadlay shaqaaqadii shalay ila habeen ka hor ka dhacday magaalada Muqdisho ay aheyd isku-day dil dhameystiran oo uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in rasaastii Ciidamada dowladda ku rideen Hotelka Maa’ida Ex-Naasa-hablood la doonayay in lagu dilo Madaxweynayaashii hore ee dalka.

“Wixii shalay wuxuu ahaa shirqool la doonayay in madaxweynayaal hore lagu dilo, dadka aan aqoon Ciidamada waxaan u sheegayaa waxaa jirta maah maah ah” Xabada waa inay qoriga ku jirto ama qof kujirto ayuu yiri “ Musharax Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay rasaastii lagu ridey qaar ka mid ah musharaxiinta.

“Rasaastii shalay lagu furay xubno uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ay iyana aheyd shirqool kale oo la doonayay in Ciidamadii difaaca cadawga loogu talo galay ay ku dilaan musharixiinta iyo dadka kale.”ayuu yiri Musharax Geelle.

Hadalka Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Midowga Musharixiinta loo diiday banaanbax nabadeed oo ay doonayeen inay ka dhigaan taalada Daljirka Daahsoon ee Magalada Muqdisho.

About The Author